Dhageyso: Barnaamijka Safarka Nabada Oo Looga Hadlaayo Sidee Ayeey Dowladu Ugu Fududeyn Kartaa Qurba Joogta Soomaaliyeed Si ay Umaalgashadaan Dalka.

464

Todobaadkaan Barnaamijka Safarka Nabada Waxaa Marti Ku Ahaa Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Cabdinuur Cali Aaden Oo Qadka Telfoonka Ooga Qeybgalay Barnaamijka iyo Bashiir Ciise Nuux Oo Kamida Qurba Joogta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay.

Ugu Horeyn Wasiirka Ganacsiga Jubaland Ayaa Sheegay in Dowlad Goboleedka Jubaland ay Diyaar Utahay in ay Soo Dhaweeyaan Qurba Joogta Soomaaliyeed Ee Doonaya in ay Dalka Maalgashadaan Marar Badanna Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed islaan Uu Ka Dhawaajiyay in Qurba Joogta Soomaaliyeed Looga Baahanyahay in Dalka Ay Maalgashadaan.

Dhinaca Kale Bashiir Ciise Nuux Oo Kamida Qurba Joogta Dalka Dib Ugu Soo Laabatay Ayaa Ka Dhawaajiyay in Qurba Joogta Soomaaliyeed Marka Dalka ay Dib Ugu Soo Laabtaan ay La Kulmaan Caqabado Sida in ay waayaan Xafiis ay ugu Hagaagaan in Uu Kala Shaqeeyo Maalgashiga ay Doonayaan Waxa Uu Talo Ahaan Usoo Jeediyay in La Sameeyo Wasaarad ay Leeyihiin Qurba Joogta Soomaaliyeed.

  • Hoos Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran.