Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo Daah furay dhismaha golaha deegaanka ee Degmada Jowhar

1168

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar ayaa soo dhoweeyay daahfurka golaha deegaanka degmada Jowhar.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabelle ahna kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka Marwo Canab Axmed Ciise oo ka hadashay munaasabada ayaa waxa ay ku baaqday in marwalba la tixgeliyo qoondada haweenka ay ku leeyihiin golaha deegaanka.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabada ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo sheegay in ay tahay horumar in haatan dhismaha golayaasha degmooyinka ay gabagabo yihiin iyadoo dowlad goboleedka Hirshabelle uu yahay Maamulkii ugu dambeeyay ee laga dhiso dalka.

Dhismaha Golayaasha Deegaanka ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ka dhaqan gasho qaar kamid ah degmooyinka uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Hirshabelle