Xarumaha caafimaadka ee hoos yimaada Degmada luuq oo la gaarsiiyay Aeegyo Caafimaad

1133

Maamulka Degmada Luuq ayaa agab ku wareejiyay Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Luuq.

Agabkaan ayaa loogu tala galay in loogu adeego Bulshada ku dhaqan Tuulooyinka hoos imaada degmada Luuq waxaana la gudoonsiiyay 8 xarumo caafimaad.

Agabkan  ayaa ahaa nooca Tuk-Tukta waxana gudoonsiiyay guddoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cabdullaahi Gardhuuub oo bulshada kula dardaarmey in ay ilaashadaan agabkaan.

Bulshada ku dhaqan Tuulooyinkii la gaarsiiyay agabka caafimaad ayaa uga mahad celiyay sida uu maamulka degmada Luuq u maareeyay baahiyahooda.