Madaxweynaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo la kulmay wafdi kasocday Beesha Caalamka

1207

Madaxwenaha Dowlad Goboleedka jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada maanta ku qaabilay Wafdi kasocday Beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub iyo Jarmalka.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Madaxa Mashaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soomaaliya Mr Marius Rauh ayaa Madaxweynahu uu kala hadlay sidii la isoogu xidhi lahaa kaalmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markana ay u noqon lahayeen kuwo siman oo wax tar leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland

waxaan goobjoog ka ahaa kulanka qaar ka mid wasiirada jubbaland

Madaxwenaha ayaa Midowga Yurub iyo Jarmalka ku amaanay Howlaha gar gaarka ay ka fuliyaan soomaaliya gaar  ahaan Degaanada jubbaland