
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Shir gudoomiyay Kulan ay isugu yimaadeen, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland Maamulada Gobolka iyo kan Degmada Doolow iyo Masuuliyiin kale ayaa looga hadlay Arrimaha bini’aadanimada, Xal uhelida Wabiyada Daawa iyo Jubba oo guray.
Sidoo kale Shirka ayaa looga hadlay xayiraada Goroomada Degmooyinka Gobolka Gedo oo kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ka xayireen duulimaadyadii tagi jiray degmooyinka Gobolka Gedo.
Ugu Dambeyn kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday dardar galinta gogoshii nabadeed ee Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan uu 15-ka April ee Sanadkaan uu dhigay dagmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.




