Agaasimaha waaxda Qorsheynta madaxtooyada jubbaland oo ka hadlay Qorshaha lagu xalinayo Masuuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere

1108

Madaxwene ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka jubbaland mudane maxamuud sayid aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wali ku sugan degmada Baardheere iyagoo degmadaa  u jooga sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf soo kala dhexgalay  masuuliyiinta ugu sareysa hogaanka maamulka

Agaasimaha waaxada qorshenta madaxtooda jubbaland  Cabdicasiis  maxamed xasan oo la hadlay radio kismaayo codka jubbaland ayaa waxa uu sheegay in degmada laga wado kulamo gaar ah oo lsikugu keenayo masuuliyiinta is khilaafsan 

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in ujeedka madaxwene ku xigeenka jubbaland Mudane maxamuud sayid aadan uu u tagay degmada baardheere ay tahay sidii Loogu guuleysan lahaa khilaafka ka dhex jira maamulka degmada

Madaxwene ku xigeenka koobaad ee dowlad goboleedka jubbaland ayaa maalmihii u dambeyay waxa uu kulamo kala duwan laqadanayay odayaasha iyo Waxgaradka degmooyinka gobolka gedo taa oo ku aadaneed sidii loga qeeb Qadaan lahaa  sugida amniga iyo hormarinta degmooyinka