Bulshadda rayidka Kismaayo Ayaa ka tashatay sidii ay u qabsan lahaayeen shir mideysan

1371

Kulankaan oo ka dhacay hotelka harwanaag ee magaalada kismaayo oo ay soo abaabuleen ururka bulshada rayidka oo ku Madaysan dalladda JUNSA ayaa ahaa mid ay ugu tashanayeen sidii ay Qorshe midaysan ula tagilhaayeen shir ay ku kulmi doonaan ururada Bulshada ee magaalada kismaayo iyo wafti ka socday Aqalka sare ee baarlamaanka dalka kaasi oo uu hogaaminayey gudoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi  Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray  25 xubnood oo kala matalaya Ururada ku midaysan JUNSA,kuwaasi kulan laqaadan doona Masuuliyiinta ka socday aqalka sare ee dalka oo kulamo Kala duwan laqaadanaya golayaasha dowlad gobaleedka Jubbaland ururada bulshada ee ka dhisan magaalada kismaayo.

Markuu kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa shir jaraa’id qabay Agaasimaha fulinta dalladda JUNSA Cabdullaahi shaafici Cabdullaahi waxaa Uu sheegay inay soo dhawaynayaan dadaalada uu wado aqalka sare Dalka ee ku aadan khilaafka u dhaxeeya dowladda fadaraalka iyo Dowlad gobaleedyada.

“muhiimada waxay tahay inaan soo dhawaynayno nabad iyo in laheshiiyo in madax sare ee dalka ay u tanaasulaan bulshada soomaaliyeed ee sugaysa iyo in lagu heshiiyo waxa la isku haysto”

aqalka sare ee Baarlamaanka dalka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey Waday dadaalo lagu xalinaayo khilaafka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyda dalka jira.