Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo xariga ka jaray dhismaha dhismah xarunta dhexe ee Radio Kismaayo

1331

Munaasabaddan oo ka dhacday hoolka Baarlamanka ay ku leeyihiin Ceeymiska ayaa waxaa kasoo qeybgalay, Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Max’uud Sayid Aadan, Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Max’ed, Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Jubbaland Eng. Ismaaciil Axmed Garas, Wasiirka caafimaadka Jubbaland Dr. Mursal Maxamed Khaliif, gudoomiyaha degmada, Xildhibaanno, madaxda ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa munaasbadda ka hadlay agaasimaha Radio Kismaayo, codka Jubbaland Xasan Nuur Max’ed, isagoo ka sheekeeyay marxalidihii kala duwanaa ee ay idaacaddu soo martay iyo sidoo kale howlaha dib u dhiska iyo tayeynta ee lagu sameeyay.

Waxa uu sidoo kale sharaxay hiigsiga idaacadda, isagoo sheegay in Radio Kismaayo inta aan la gaarin sanadka cusub laga dhageeysan doono guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Gudoomiyeyaasha ururrada dhalinyarada, haweenka, odoyaasha dhaqanka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka wasaaradda ee dhinacyada horumarinta warbaahitna, ayagoo sheegay in ay soo dhaweeynayaan isbadallada muuqda ee ay idaacaddu ku talaabsatay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Max’ed oo madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda ay idaacaddu u leedahay bulshada, isagoo sheegay in idaacaddu tahay halka ugu wanaagsan ee bulshada lagala hadli karo.

Ugu danbeyntii waxaa munaasbadda ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland, isagoo u mahadceliyay wasaaradda warfaafinta Jubbaland iyo dhammaan agaasimeyaashii kala duwanaa ee Idaacadda Kismaayo oo marxaladaha adag kusoo shaqeeyay, waxa uu sheegay in dowladdu garab taagantahay maamulka idaacadda, isalamarkaana ay rajeeynayaan in agabka cusub iyo tayada sare loo qaaday ee idaacadda ay wax badan ka badali doonto wacyiga bulshada reer Jubbaland, gaar ahaan goobaha aysan ka jirin idaacadaha ee Jubbaland.

Intaa kadib, Madaxweyne kuxigeenku waxa uu xariga ka jaray dhismaha idaacadda ee dib u dayactirka iyo qalabeynta lagu sameeyay, waxaan xafiisyada kala duwan ee idaacadda kusoo wareejiyay Agaasimaha idaacadda.

Madaxweyne ku xigeenka oo booqday Studio-ga ayaa si kooban bulshada reer Jubbaland ugala hadlay idaacadda, isagoo sheegay in dowladdu ay wado qorsheyaal lagu horumarinayo adeegyada bulshada, isagoo dhinaca kale kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan guddi ay dowladdu u xilsaartay arimaha dhulalka, kaa oo dhawaan si rasmi ah shaqadiisa u bilaabay.

Radio Kismaayo ayaa la aasaasay bishii January, 15-keeda sanaddii 2013, waana idaacaddii ugu horeeysay ee laga hirgeliyo Kismaayo, wixii ka danbeeyay markii magaalada laga saaray maleeyshiyaadka Al-shabaab.