Wasiirada Haweenka dowladda Jubbaland oo Daahfurtay Kulan Lagu Xoojinayo Midnimada iyo Isku-xirka Haweenka

0
240
Wasiirka Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Cabdullaahi Ismaaciil, ayaa maanta daahfurtay kulan looga hadlayay midaynta iyo isku-xirka qaybaha kala duwan ee haweenka Jubbaland.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mas’uuliyiin kale, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, oo ay ka mid yihiin culimada haweenka ah, ganacsatada, iyo dhalinyarada.
Madasha, oo sidoo kale ahayd dood-wadaag, ayaa lagu falanqeeyey sidii loo horumarin lahaa midnimada iyo wada-shaqeynta haweenka, iyada oo isla markaana sare loo qaadayo doorka haweenka ee ka qaybgalka arrimaha bulshada, siyaasadda, iyo horumarka dalka.
+12