Gudiga Dhulalka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shaqadoodi ugu horey bilaabay maanta+Sawiro

1498

Kadib markii ay Dowlad Goboleedka Jubbaland ay shaacisay in ay Bilaabayso Sharaciyaynta dhulka iyo in loo samaynayo Qorshaha Magaleynta ayaa Guddiga Maaraynta dhulka Dowlad Goboleedka jubbaland Bilaabeen Maanta shaqadoodii ugu Horaysay ee Sharciyaynta iyo Cabirida dhulka .

Guddiga oo kaashanaya Hay’adda Milston ayaa waxa ay shaqadoodii ugu Horaysay Maanta ka bilaabeen xaafada calanley ee Magaalada kismaayo Waxa ayna u Cabireen dhulkoodii Qaar ka mid ah Dadkii Buuxiyay Shuruudii sharciyaynta.

Gudomiyaha Guddiga Dhul Bixinta  Jubbaland Maxamed Cabdi Xassan (Sheekh Xamdi ) Ayaa ka war bixiyay Shaqada ay Maanta Bilaabeen iyo Waxyaabaha looga Baahan yahay Cidda loo sharciyaynayo Dhulka

Qaar ka mid ah Dadka loo sharciyaynayo Dhulka ayaa sheegay in ay ku Faraxsan yihiin in dhul kooda loo sharciyeeyo

Nuux Cabdi-Wahaab   oo ah Maareeyaha shirkada Milston ayaa sheegay in Qalab casri ah lagu cabirayo dhulka cida kasta oo loo sharciyeeyana lagu Garab wadayo qorshaha magaleynta

Gudoomiyaha Dagmada Kismaayo Ibraahin Maxamed Yuusuf  Timo jilic ayaa sheegay in sidaas ay u bilaabatay sharciyayntu u socon doonto Dad waynahana loo Baahan yahay in ay ku dag dagaan  sharciyaynta Guryahooda