Wasaarada haweenka Jubbaland oo daahfurtay tababar looga hadlaayo xuquuqul insaanka.

930

Wasaarada Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland oo taageero ka heleysa Hay’adda Iskaashiga Jarmalka ee GIZ, ayaa tababar ku saabsan xaquuqul insaanka Kismaayo ugu qabtay shaqaalaha Wasaaradda Haweenka iyo wasaaradaha bah-wadaagta.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Marwo Qamar Deeq Khaliif oo aqoon kororsiga maanta furtay ayaa tilmaamay in ujeeddadu tahay sare u qaadidda aqoonta howlwadeennada dowladda ee la xiriirta ilaalinta xuquuqda Bini-aadamka.

Wasiirka oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka qeybgalayaasha tababarka kula dardaarmay in ay dhaqangeliyaan aqoonta ay ka kororsadaan Siminaarka la xiriirta ilaalinta xuquuqda carruurta.

Tababarka oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Haweenka Jubbaland ay ku horumarineyso ilaalinta xuquuqda Aadanaha.