Guddi isku dhaf ahaa oo kasocday baarlamaanka dowlad goboleedka jubbaland Ayaa maanta kormeer shaqo kutahgay xarunta wasaarada gaadiidka dowlad goboleedka Jubbaland.
guddigan oo ahaa mid loo xilsaray daba galka wasaaradaha dowlad goboledka jubbaland ayaa kulan la yeeshay wasiirka wasaarada gadiidka jubbaland.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Faarax oo kamid gudigaasi ayaa shegay inay u socdeen cabasho kaga timid dadweynaha kunool magaalada kismaayo kuwaas oo kacabanaya dhibaatooyinka uu kuhaayo gadiidka dadweynaha.
gudoomiyaha guddiga daba galka wasaaradaha dowlad goboleedka jubbaland ahna gudoomiye kuxigeenka guddiga amniga barlamaanka dowlad goboledka jubbaland Cabdullaahi Xuseen Eboow ayaa shegay inay dhamaan darawaliinta gadiidka wado loosameyn doono sharciyada leysinka ah
Agaasimaha wasaarada gadiidka dowlad goboleedka Jubbaland Saciid Cabdullaahi Macalin ayaa shegay in wasaaradu ay qorsheyneeso sidii sharciyada leesinka ah loogu sameyn lahaa dhamaan dadka gadiidka sharci la,aanta.