Gudi ka socda baarlamanka Jubbaland oo kormeeray wasaaradda gaadiidka Dowlad Goboledka Jubaland

1075

Guddi isku dhaf ahaa oo kasocday baarlamaanka dowlad goboleedka jubbaland Ayaa maanta kormeer shaqo kutahgay xarunta wasaarada gaadiidka dowlad goboleedka Jubbaland.

guddigan oo ahaa mid loo xilsaray daba galka wasaaradaha dowlad goboledka jubbaland ayaa kulan la yeeshay wasiirka wasaarada gadiidka jubbaland.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Faarax  oo kamid gudigaasi ayaa shegay  inay u socdeen  cabasho kaga timid dadweynaha  kunool magaalada kismaayo kuwaas oo kacabanaya dhibaatooyinka uu kuhaayo  gadiidka dadweynaha.

gudoomiyaha guddiga daba galka wasaaradaha dowlad goboleedka jubbaland  ahna gudoomiye kuxigeenka guddiga amniga barlamaanka dowlad goboledka jubbaland Cabdullaahi Xuseen Eboow  ayaa shegay inay dhamaan darawaliinta gadiidka wado loosameyn doono sharciyada leysinka  ah

Agaasimaha wasaarada gadiidka dowlad goboleedka Jubbaland Saciid Cabdullaahi Macalin ayaa shegay in wasaaradu  ay qorsheyneeso sidii sharciyada leesinka ah loogu sameyn lahaa dhamaan dadka gadiidka sharci la,aanta.