Jaaliyadda Jubbaland ee Mareykanka oo deeq lacageed Soo gaarsiisay Dumarka Haysta agoomaha Ee Ku Nool Magalada Kismaayo

499

Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacageed Soo gaarsiiyay 50 kamid ah qoysaska agoonta ah ee ku nool magaalada Kismaayo.

Kulan ay maanta yesheen xubno wakiil ka ah jaaliyadda iyo Hooyooyinka heysta carruurta agoonta oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in deeqdan lacaged ay dad ka soo jeeda Jubbaland iska aruuriyeen si wax loogu qabto agoonta.

Tababar ayaa la sheegay in la siinayo dhawr cisho hooyooyinka si ay lacagta marka la siiyo ugu sameystaan shaqooyin yar yar.