Wasaaradda deegaanka Jubbaland oo Jirole ku qabatay tababar ku saabsan maareynta waarta ee dhulka iyo ilaalinta deegaanka.

0
5
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubbaland ayaa bulshada deegaanka Jirole ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan maareynta waarta ee dhulka (Sustainable Land Management – SLM), iyadoo diiradda la saaray ilaalinta ciida, maaraynta biyaha iyo xoojinta awoodda bulshada ee ka hortagga xaalufka deegaanka.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in bulshada deegaanka la gaarsiiyo aqoon iyo xirfado ku saabsan hababka wax-ku-oolka ah ee ilaalinta ciida iyo biyaha, yareynta nabaad-guurka, soo celinta dhulka xaalufay iyo dhiirrigelinta isticmaalka waara ee khayraadka dabiiciga ah.
Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, waxaa xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka, ka hortagga nabaad-guurka ciida iyo hirgelinta farsamooyinka lagu maareeyo biyaha roobka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan kara kobcinta wax-soo-saarka dhulka iyo xoojinta adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland ayaa adkaynaysa muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka bulshada ee dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka, iyadoo tababarrada noocan oo kale ah ay gacan ka geysanayaan kor u qaadista wacyiga deegaanka iyo dhiirrigelinta hababka waara ee maareynta dhulka iyo biyaha.