
Deegaanka Canjeel, oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, ayaa lagu qabtay shirweyne dib-u-heshiisiin ah oo u dhexeeya laba jifo oo walaalo ah, kaddib markii uu dib u soo cusboonaaday khilaaf u dhexeeya dhinacyada, inkastoo ay hore heshiis u gaareen.
Shirka waxaa ka qaybgalay saraakiil ka tirsan laamaha amniga, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Jubbaland oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Jubbaland, odayaasha dhaqanka ee labada dhinac iyo dhallinyaradii hubka isu qaatay.
Ka qaybgalayaasha shirka ayaa ballanqaaday inay ilaaliyaan heshiiska nabadeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta in colaadda ay dib u soo laabato.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Jubbaland, oo soo xiray shirka, ayaa labada dhinac ugu baaqay inay joojiyaan colaadda, ilaaliyaan nabadda, isla markaana odayaasha dhaqanku door muuqda ka qaataan hirgelinta heshiiska iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







