Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Jubbaland oo kulan wada-tashi ah la yeeshay xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay

0
2
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Jubaland ayaa  magaalada Kismaayo ku qabtay kulan muhiim ah oo wada-tashi iyo is-dhexgal ah, kaas oo ay ka qayb galeen maamulka, dhakhaatiirta iyo wakiillo ka socday isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ee Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta Golaha iyo xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay, horumarinta xiriirka labada dhinac, iyo sidii loo wada gaari lahaa nidaam caafimaad oo ku dhisan tayo, isla-xisaabtan, anshax iyo ilaalinta badqabka bukaanka.
Intii uu kulanku socday, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Jubaland wuxuu ka qaybgalayaasha u soo bandhigay shuruucda, xeerarka, habraacyada iyo heerarka xirfadeed looga baahan yahay mihnadlayaasha iyo xarumaha caafimaadka, isagoo caddeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan bixiyeyaasha adeegyada caafimaadku u hoggaansamaan sharciga iyo nidaamka caafimaad ee Jubaland.
Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay muhiimadda diiwaangelinta iyo ruqsad-siinta mihnadlayaasha caafimaadka, ilaalinta anshaxa iyo heerarka xirfadeed, tayada adeegyada caafimaadka, badqabka bukaanka, iyo isla-xisaabtanka xarumaha caafimaadka.