Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Jubbaland oo soo xiray kulan aqoon-kororsi ah oo ku saabsanaa xeerka caalamiga ah.

0
6
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa soo xiray kulan aqoon-kororsi ah oo diiradda lagu saarayay Xeerka Caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay fahamkiisa iyo ku dhaqankiisa.
Kulanka waxaa ka qaybgalay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland iyo marti-sharaf kale.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta iyo fahamka saraakiisha ee Xeerka Caalamiga ah, si loo xoojiyo xirfaddooda shaqo, gudashada waajibaadkooda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Gabagabadii kulanka, Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda aqoon-kororsiga iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo saraakiil leh aqoon, xirfad iyo faham wanaagsan oo ku aaddan waajibaadkooda shaqo.