
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeysay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Xoojinta iyo Hawlgelinta Guddiyada Nabadda Degmada Kismaayo.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda iyo hawlgelinta Guddiyada Nabadda Degmada Kismaayo, si ay door muhiim ah uga qaataan ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha isbeddelka cimilada iyo tartanka khayraadka dabiiciga ah, sida roobka, daaqa, biyaha iyo dhulka.
Muddo afar maalmood ah oo uu socday aqoon-is-weydaarsigu, ka-qaybgalayaashu waxay ku barteen aqoon iyo xirfado la xiriira ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, wada-hadalka bulshada, dhexdhexaadinta iyo doorka Guddiyada Nabadda ee ku aaddan xoojinta nabadda iyo xasilloonida bulshada.
Sidoo kale, aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu xoojiyay fahamka guddiyada ee ku aaddan sidii ay si wadajir ah ula shaqayn lahaayeen bulshada iyo maamulka degmada, gaar ahaan ka hortagga khilaafaadka ka hor inta aysan isu beddelin isku dhacyo saameeya nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Gabagabadii aqoon-is-weydaarsiga, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Guddiyada Nabadda Degmada Kismaayo ay si firfircoon uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, ka hortagga khilaafaadka iyo dhiirrigelinta wada shaqaynta bulshada, si loo helo xalal waara oo ku salaysan wada-tashi iyo isfaham



![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







