Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Jubbaland oo Baarsanguuni iyo Buula-Guduud ka furay tababar ku saabsan is-dhexgalka bulshada

0
5
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Xareed Kilaas Cabdi, ayaa deegaannada waqooyi ee Jubbaland ka furay tababar ku saabsan is-dhexgalka bulshada.
Tababarka ayaa loo qabtay bulshada ku nool deegaannada Baarsanguuni iyo Buula-Guduud, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta is-dhexgalka bulshada, wada-shaqeynta iyo sidii loo dhisi lahaa xiriir wanaagsan oo dhex mara bulshada iyo hay’adaha amniga.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, hay’adaha,odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada.