Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jubaland oo Qaabilay Madaxa WFP ee Jubaland

0
8
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa hoolka Wasaaradda ku qaabilay Madaxa Hay’adda WFP ee deegaannada Jubaland Stephen Moseray.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, iyo qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda Caafimaadka iyo WFP, iyo sidii si wadajir ah wax looga qaban lahaa baahiyaha jira ee dhinaca caafimaadka iyo adeegyada bulshada.