
Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa deegaanka Raaskambooni ku qabatay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan xoojinta iskaashiga Booliska iyo Bulshada, iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta wada-shaqeynta laamaha amniga iyo bulshada deegaanka.
Madasha furitaanka aqoon-is-weydaarsiga ayaa waxaa ka qeybgalay Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, saraakiisha Saldhigga Booliska Raaskambooni, Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe, Mudane Xasan Nuur Cabdi (Gaal-jecelow), odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Booliska iyo Bulshada, kor u qaadista wacyiga bulshada ee dhinaca amniga, iyo sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada deegaanka.
Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in iskaashiga dhow ee Booliska iyo Bulshada uu muhiim u yahay sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darrada iyo xoojinta kalsoonida bulshada iyo laamaha amniga.
Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa muhiimad gaar ah siisa tababarrada iyo wacyigelinta bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, loona helo deegaan nabdoon oo xasilloon.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







