
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal amni ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Doolow iyo Luuq ee Gobolka Gedo.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo sugidda nabadgelyada deegaannada ku teedsan labada degmo.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo xaaladda amni, laguna adkeynayo ammaanka deegaanka.
Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Amniga Doolow, Maxamed Xasan Buulle Sanka, waxaana qeyb ka ahaa saraakiil iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.
Saraakisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada noocan ah ay qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka ku nool deegaannada Gobolka Gedo.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







