
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Jubbaland, Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Agaaismeyaasha guud ee Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulada Galmudug iyo Koonfur-galbeed, kuwaas oo shir uga furmayo halkan, waxa uuna la xariiraa Mashruuc ku saabsan ka-qaybgalka dhalinyarada ee arrimaha madaniga ah, iyo dhiirrigelinta hannaanada siyaasadeed ee loo dhanyahay, hadana maraayo meel gabogabo ah.
Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen hay’adaha bahwadagta ah ee LPI iyo SPL, ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa hormarka laga gaaray mashuurca iyo caqabadaha laga bartay, iyo sidii uu horay ugu sii socon lahaa.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







