Maamulka Dowladda Hoose Kismaayo iyo masuuliyiin ka socday safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah,oo xarigga ka jaray biyo-mareen cusub oo qaada biyaha roobka

0
8
Maamulka Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socday safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah, ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray biyo-mareen cusub oo qaada biyaha roobka, kaas oo ku yaalla isgoyska Dahabshiil iyo Hormuud ee xaafadda Calanley.
Biyo-mareenkan ayaa qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha iyo adeegyada aasaasiga ah ee Degmada Kismaayo, iyadoo la filayo inuu wax weyn ka tari doono maaraynta biyaha roobka iyo yareynta dhibaatooyinka ka dhasha fatahaadaha xilliyada roobabka.
Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya dadaallada lagu horumarinayo bilicda, adeegyada iyo kaabayaasha magaalada Kismaayo.