
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubaland, Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Aadan Qaanuuni, ayaa xarunta Xalinta Khilaafaadka ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdi ka kala socday Midowga Yurub (EU), Norway, Netherlands, Switzerland iyo Sweden, iyo hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ee la shaqeeya Wasaaradda, sida UNDP iyo UNODC.
Wafdiga ayaa kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee hay’adaha caddaaladda rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, sida, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray aragtida iyo fahamka deeq-bixiyeyaasha ee ku aaddan hay’adaha caddaaladda Jubaland, gaar ahaan sida ay u arkaan shaqada hay’adaha caddaaladda, horumarka jira iyo baahiyaha weli taagan.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta u dhexeysa hay’adaha caddaaladda Jubaland, doorka Wasaaradda ee arrimaha caddaaladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah, si loo taageero horumarinta iyo xoojinta nidaamka caddaaladda.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradda, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqaynta, Waxa uu sidoo kale ku amaanay bulshada Jubaland kaalinta muhiimka ah ee ay uga jiraan horumarinta iyo xoojinta nidaamka caddaaladda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







