
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Oogle, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada ahna Xoghayaha Dowladda Hoose, Mudane Daahir Xuseen Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay qaybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyagoo soo indha-indheeyey shaqada ay waddo Degmada Kismaayo ee la xiriirta bilicda magaalada, horumarinta waddooyinka iyo biyo-mareennada.
Ugu horreyn, masuuliyiintu waxay ka qaybqaateen geed-beeris laga sameeyey hareeraha waddooyinka magaalada, iyagoo sidoo kale kormeeray geedihii horey ay u beertay Degmada Kismaayo.
Masuuliyiinta ayaa intaas kadib soo indha-indheeyey mashruuca dhismaha waddooyinka laamiyada ee Nagaad, iyagoo arkay isbeddelka iyo faa’iidada ay waddooyinku u leeyihiin magaalada. Kormeerka ayaa sidoo kale lagu eegay sida waddooyinka laamiyada ahi uga qaybqaateen fududeynta isu-socodka bulshada, kobaca ganacsiga iyo horumarinta adeegyada ka jira hareeraha waddooyinka.
Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay booqdeen maqaayadaha ku dhinac yaalla laamiga, iyagoo indha-indheeyey sida horumarinta waddooyinku u abuurtay fursado ganacsi iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ka muuqda magaalada.
Sidoo kale, masuuliyiintu waxay soo kormeereen biyo-mareennada magaalada Kismaayo, kuwaas oo muhiim u ah maaraynta biyaha roobka, yareynta fatahaadaha iyo ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







