
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlay horumarinta degmooyinka iyo maamul-daadejinta.
Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna duqa magalada Gudoomiye kuxigeenka Degmada Qaar ka mid ah Hawalwadeenada Wasaaradda Iyo Masuuliyiin kale
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo dardargelin lahaa maamul-daadejinta iyo howlaha horumarineed ee Degmooyinka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







