
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay shirka billaha ah ee lagu xoojinayo isku-xirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha bahwadaagta la ah.
Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha, saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, kordhinta taageerada adeegyada caafimaadka ee Jubaland, horumarinta iyo dhameystirka adeegyada caafimaadka, dabagalka iyo ka jawaabidda cudurrada faafa, iyo is-weydaarsiga xogaha caafimaadka.














![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







