
Wasiir Kuxigeenka Wasarada Amniga Jubbaland Mudane Gen. Adam Xaaji Oo lagu Sodhaweyay Dalka ,Australia
Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland Maxamed Fowzi ee magalada Melbourne.
Wasiir kuxigeenka wasaarada Amniga gudaha Dowlada Jubaland, ayaa kaqeybgalay, xaflad soo dhaweyn ah oo siweyn loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabisay jaaliyada Jubaland ee dalka Australia ee magaalada Melbourne ee State ka Victoria.
Xafladan oo ay kasoo qeybgalay dhamaan jaaliyadaha Soomaliyeed ee kusugan magaalada Melbourne ayaa u dhacdey si habsami leh.
Wasiir kuxigeenka Amniga Gudaha Dowlada Jubaland ayaa jaaliyada u gudbiyay dhanbaal salaan ah oo uu kasiday Madaxweynaha Dowlad Jubaland. Axmad Maxamed Islaam iyo kuxuumadiisa.
Wasiirka oo khudbad dhxalgal ah kajeediyay xaflada ayaa kawaramay xaalada guud ee dalka iyo taariikhda dhismaha Dowladnimada Jubaland iyo marxaladihii kala duwanaa ay soomaratay.
Wasiirka ayaa dul istaagay xaalad amniga Jubaland iney tahay mid la isku haleyn karo. wasiirka ayaa qurbajoogta ugu baaqay iney dalkooda dib ugu laabtaan oo ay maalgashadaan ka faa’iideystaan amniga iyo horumarka kajira Jubaland.
Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhamaab dadweynihii kasoo qeybgalay xaflada.
Madaxdii xaflada kasoo qeybgalay ayaa Dowlada Jubaland ku amaanay hirgalinta nidaamka dowliga ah iyo soo celinta aminaga iyo kaladanbeynta.
Godoomiya jaaliyada Jubaland ayaa sheegay ineey ku faraxsanyihiin imaanshaha wasiirka oo ah qofkii ugu horeeyay oo Dowlada Jubaland ah oo Australia yimaada uuna rajeynayo in booqashada madaxda dowlada Jubaland ay ku soo badan doonto dalkan Australia iyaguna ay diyaar u yihiin iney kalfuran kusoo dhaweèyaan.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







