Wasiirka gaadiidka Jubbaland oo booqday Akadeemiyadda hoggaaminta qaranka Soomaaliyeed (NLA)

0
1
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Dowlada Jubbaland Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil ayaa  booqasho rasmi ah ku yimid Xarunta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka Soomaaliyeed (National Leadership Academy – NLA).
Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Agaasimaha Akadeemiyadda Marwo Hodhan Nuur Abdi, iyo Dr. Cabdullaahi, Soo dhaweynta kadib, Wasiirka iyo masuuliyiinta Akadeemiyadda ayaa kulan ku yeeshay xafiiska Agaasimaha Guud.
Kulanka ayaa looga hadlay hoggaaminta, horumarinta hay’adaha, tayeynta shaqaalaha dowladda iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kormeeray qaybo kamid ah dhismaha Xarunta NLA iyo xafiisyada ay shaqadu ka socoto, isagoo si gaar ah ugu bogaadiyay horumarka iyo guulaha laga gaaray shaqada ka socota xarunta.