
Booliska magaalada Dhobley ayaa soo bandhigay eedeysane Sheeqeey Abdulahi Abdi Ali oo ku eedeysan kaganacsiga Daroogada.
Habeenimadii xalay aheed hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Amniga Degmada Dhobley ayaa lagu soo qabtay,Sheeqeey Abdulaahi Abdi oo doonaye in magaalada Dhobley uu Soogaliyo Maandooriyaha Loo yaqaano Xashiishka,Oo Dhan 9kiilo:
Ciidamada oo kawar Hayay xogta ah in magaalda la soogalinayo muqaadaraadka loo yaqaano xashiiishka ayaa waxaa ay fuliyeen hawlgal lagu soo qabanayo muqaadaraadkaasi,
Eedaysanahan oo horay kiis noocan oo kale ah boolisku ku soo qabteen islamarkaasina la saaray maxkamada Degmada Dhobley ayaa ku xukuntay xabsi iyo ganaax balse markuu dhameystay la siidaaye: maantana mar labaad kiiskii oo kale ay ku sooqabteen ciidamada Amniga Degmada Dhobley

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







