Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo soo gabagabeysay hawlihii UNTMIS ee xasillinta iyo dowlad-dhiska

0
1
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu soo gabagabeynayay laguna wareejinayay hawlihii iyo waxqabadkii xasillinta ee Hay’adda UNTIMIS, oo muddadii u dhexeysay 2014–2026 ka shaqeynaysay taageerada nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo xasillinta deegaannada Jubbaland.
Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland Ahmed Maxamed Abdullahi mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda UNTIMIS, hawlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mamulka Dowladda hoose ee Degmada Kismaayo iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galay munaasabadda.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii iyo hawlihii xasillinta ee UNTIMIS ay ka fulisay deegaannada Jubbaland muddadii ay ka shaqeynaysay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray taageerada nabadda, amniga, dowlad-dhiska, xoojinta maamulka dowladaha hoose iyo ka qeybqaadashada dadaallada xasillinta.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay natiijooyinkii laga gaaray howlaha kala duwan ee la fuliyay, waayo-aragnimadii laga dhaxlay, iyo doorkii ay Hay’addu ka qaadatay taageerada hay’adaha Dowladda Jubbaland iyo bulshada