Madaxa WFP Carl Skau oo Booqday Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

0
5
Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, Carl Skau, ayaa  soo gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo uu booqasho ku tagay mashaariicda kala duwan ee hay’addu ka hirgelisay degmada.
Intii ay ku sugnaayeen Doolow, wafdiga WFP ayaa booqday mashaariicda beeraha, kuwaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu taageerayo wax-soo-saarka beeraha, kobcinta nolol-maalmeedka bulshada deegaanka iyo taageerada dadka barakacayaasha ah.
Wafdiga WFP ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Doolow, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo, Guddoomiyaha Geedweyne, Madaxa Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Doolow, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Doolow iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Doolow.
Booqashada ayaa qeyb ka ah dadaallada WFP ee lagu xoojinayo taageerada bulshada, horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista isku-filnaanshaha nololeed ee dadka ku nool gobolka Gedo.