
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, oo kaashanaya Hay’adda CIVIC, ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay kulan wacyigelin ah oo loo sameeyay qaar ka mid ah ciidamada amniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta badqabka rayidka, gaar ahaan xilliyada howl-gallada amniga, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka, wada-shaqeynta iyo is-dhexgalka ciidamada iyo bulshada.
Waxaa kulanka lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada iyo shacabka ay yeeshaan is-aaminaad, wada-shaqeyn iyo xiriir dhow, si loo xaqiijiyo badqabka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda rayidka xilliyada howl-gallada amniga.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, xubin ka socotay Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socday hay’ado kala duwan, Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Amniga Jubbaland

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







