Wasiirka Caafimaadka Jubbaland oo guddoomiyay shirka billaha ah ee shaqaalaha wasaaradda

0
90
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa  guddoomiyay shirka billaha ah ee shaqaalaha wasaaradda, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland.
Shirka waxaa ka qaybgalay La Taliyaha wasaarada Garaad Aadan, qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada wasaaradda, saraakiisha kale ee wasaaradda, iyo isku-duwayaasha caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka Jubaland, iyadoo qaar ka mid ah ay uga qayb galeen habka fogaan-aragga.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnada waxqabadkii bishii la soo dhaafay, waxaana diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta leh iyo xoojinta adeegyada caafimaadka ee bulshada.
Gabagabadii, Wasiir Ismaaciil Axmed Garas ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha dadaalkooda, wuxuuna ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee Jubaland.