Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee dowladda Jubbaland oo dil ku xukuntay xubin ka tirsanaa khawaarijta.

0
95
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa  dhageysatay, isla markaana xukun dil ku ridday kiis dacwadeed ka dhan ahaa eedeysane Saadaq Maxamed Siidow, oo lagu helay dilka laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka degmada Afmadow, iyo dhaawaca uu u geystay qof kale oo shacab ah.
Saadaq Maxamed Siidow, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa la qabtay isagoo dagaallamaya kaddib markii uu geystay falkaas, iyadoo Maxkamaddu ku heshay dambiga loo haystay.
Gabagabadii fadhiga, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in eedeysanaha lagu xukumay dil toogasho ah, kaas oo ah qisaasta labada marxuum ee uu dilay.