
Dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Jubbaland oo La Dhagax Dhigay
Waxaa si rasmi ah loo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Jubbaland. Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday xarunta Guddiga ee magaalada Kismaayo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Siyaad Ibraahim Maxamed, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Jubbaland, wasiirro, agaasimeyaal guud, masuuliyiin ka socotay Mashruuca Somalia Enhancing Public Resource Management (SERP), wakiillo ka socday shirkadda fulinaysa dhismaha, iyo marti sharaf kale.
Dhismaha cusub waxaa si rasmi ah u dhagax dhigay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan.
Munaasabadda isagoo ka hadlayay, Mudane Sheekh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka iyo Mashruuca SERP Project Somalia taageerada iyo hirgelinta mashruucan. Wuxuu xusay in dhismaha xaruntan uu door muhiim ah ka qaadan doono xoojinta hay’adaha dowladda, dib-u-habaynta maamulka guud, iyo horumarinta adeegga shaqaalaha rayidka ee Jubbaland.
Dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Jubbaland, waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, waxaana hirgelinaya Mashruuca SERP, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda iyo hufnaanta maamulka shaqaalaha rayidka.
Waxaa la filayaa in dhismaha cusub la dhammaystiro bartamaha sanadka 2027, si uu u noqdo xarun casri ah oo kor u qaadda waxqabadka iyo tayada adeegyada Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







