Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday guddiga shaqaalaha rayidka

0
67
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawaladda Jubbaland Mudane Abdullahi Ahmed Abdullahi ayaa  xarunta Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Guddiga Shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Jubbaland oo kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda.
Kulanka oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka, Maaliyadda, Shaqada iyo Shaqaalaha Ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawaladda Jubbaland Mudane Mohamed Nur Elmi, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta maamulka shaqaalaha iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada dowladda.
Kormeerkan sanadlaha ah ayaa lagu qiimeynayaa habsami u socodka shaqada wasaaradaha, maamulka shaqaalaha rayidka ah, iyo heerka ay hay’aduhu u hirgeliyaan xeerarka iyo habraacyada adeegga dowladda.
Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wadaagay dadaallada ay Wasaaraddu ku bixinayso tayeynta maamulka iyo horumarinta shaqaalaha, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo adeeg hufan, daahfuran oo waxtar u leh bulshada.
Dhankooda, xubnaha wafdiga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud iyo maamulka Wasaaradda soo dhaweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan, iyagoo bogaadiyay horumarka ay Wasaaraddu ka sameysay dhinacyada maamulka iyo adeeg bixinta.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta nidaamka shaqaalaha Dowladda Jubbaland.