Guddoomiyaha golaha wakiillada Jubbaland oo kormeeray howlgalka xoreynta waddada Afmadow–Kismaayo

0
2821
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo dhawaan gaaray degmada Afmadow ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagu xaqiijinayo xoreynta, furista, iyo amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo.
Kulanka, oo ka dhacay deegaanka Miido, waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Jubbaland iyo saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga.
Saraakiisha howlgalka ayaa Guddoomiyaha siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan guulaha laga gaaray wejiyadii hore ee howlgalka, istaraatiijiyadaha la adeegsaday, iyo qorshayaasha socda ee ku wajahan wejiga xiga, kaas oo la filayo inuu ka billowdo deegaanno kale oo ka tirsan Jubbaland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Jubbaland iyo Ciidanka Danab Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinimada iyo adkaysiga ay u muujiyeen la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Waxa uu sidoo kale si gaar ah u ammaanay wada shaqeynta iyo isku-duubnida saraakiisha kala duwan ee ciidamada Jubbaland.
Safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriiray dardargelinta howlgalada ay wadaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka dhacay deegaanno ka tirsan Jubbaland maalmihii la soo dhaafay.