Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland oo Afmadow Kulan Amni kula Qaatay Saraakiisha Ciidamada

0
1361
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo safar shaqo ku joogo degmada Afmadoow ayaa maanta la kulmay saraakiisha Ciidanka Amniga.
Kulanka ayaa waxaa Gudoomiyaha ku weheliyey Wasiirka Amniga Gudaha, Gen. Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Wasiirka Cadaalada Jubbaland, Mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac, Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee ka howlgala Afmadoow, Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiishii hoggaaminaysay howlgallada furista, banaynta iyo sugidda amniga waddada dheer ee isku xirta degmada Afmadow iyo deegaannada Janaay Cabdalle, Biibi Harboole iyo Miido, si loo fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.