Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland oo kormeer ku tagay Isbitaalka Degmada Afmadow

0
118
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa maanta kormeer ku tagay Isbitaalka Degmada Afmadow iyo Xarunta Caafimaadka Waabari.
Kormeerka waxaa ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Jubaland, iyo saraakiil ka socday Wasaaradda Caafimaadka.
Intii uu kormeerku socday, wafdigu waxa ay Isbitaalka Afmadow gaarsiiyeen agab caafimaad oo loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaadka, iyagoo sidoo kale qiimeeyay xaaladda adeegyada caafimaad iyo baahiyaha ka jira xarumaha, si loo dardargeliyo tayada adeegyada loo fidiyo bulshada degmada Afmadow.