Wasiirka Wasaaradda Haweenka Dowladda Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi Xildhibaano katirsan labada Aqal ee BJFS.

68
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi oo ay weheliyaan xubno katirsan Golah Wakiilada Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi Xildhibaano katirsan labada Aqal ee BJFS.
Xildhibaanada maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ayaa ujeedka ay halkan u yimaadeen ku sheegay in Haweenka reer Jubbaland ay u sameeyaan wacyigalin la xiriirta arimaha ka qeyb galka ee Siyaasadda, horumarinta arimaha bulshada iyo xoojinta wadashaqaynta haweenaka iyo Xildhibaanada dumarka ah ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal.