Wasiirka xannaanada xoolaha Jubbaland oo Kulan istaraatiiji ah la yeeshay wafdi ka socday hay’ada FAO

0
130

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Nuur Cali (Nuuraani), ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), kaas oo uu hoggaaminayey U-Qaybsanaha Arrimaha Xoolaha ee FAO Soomaaliya, Dr. Kunoow Sheekh Cabdi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda ee la xiriira horumarinta iyo tayeynta waaxda xoolaha, iyadoo la isla falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubaland iyo Hay’adda FAO ayaa si dhow uga wada shaqeeya hirgelinta mashaariicda horumarinta xoolaha, xakameynta iyo ka hortagga cudurrada xoolaha, la qabsiga iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta adkeysiga iyo badbaadada nololeed ee bulshada xoolo-dhaqatada ah.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada horumarineed ee kor u qaadaya wax-soo-saarka xoolaha iyo horumarinta nolosha bulshada reer Jubaland.