Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta Jubbaland oo Doolow ku soo xiray aqoon-is-weydaarsiga bilowga mashruuca (Inception Workshop)

0
108
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland Mudane Mohamed Weli oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka socday Xarunta Qaranka ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalalka Waara, ayaa maanta Degmada Doolow ku soo gabagabeeyey Aqoon-is-weydaarsiga Bilowga Mashruuca (Inception Workshop).
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa isugu yimid masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha dowladda, Maamulka Degmada Doolow, bahwadaagta horumarinta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda lagu saaray soo bandhigista ujeeddooyinka mashruuca, qaabka hirgelintiisa, iyo doorka ay daneeyeyaashu ku leeyihiin xaqiijinta guusha mashruuca.
Gabagabadii aqoon-is-weydaarsiga, ka qaybgalayaashu waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay taageeridda iyo ka shaqeynta guusha mashruuca, iyagoo adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta iyo isfahamka joogtada ah ee u dhexeeya dhammaan daneeyeyaasha.