Dhageyso:Madaxweyne Maxamuud Sayid Aadan “xaalada Gedo waxay noqotay meel laga abuurto shoqo nolol maalmeed ah”

580

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraaid kaga hadlay xaalada Gobalka ayaa walaac ka muujiyay marxalada ka taagan gobalka isaga oo sheegay in ay arin la yaab leh ay noqotay in xaalada gabalku noqotay meel laga abuurto shaqo nolal maalmeed ah oo lagu qaldayo jaaliyadaha dibadda si lacag looga uruursado

Islamarkaana lagu jahwareerinayo shacabka Jubbaland sidookale madaxweynaha oo ka hadlayay qilaafkii Jubbaland iyo dowladii hore ee madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay  in dadka reer gedo xiligaasi cuna qabatayn la saaray lagana hor istaagay boqolaal kun oo dollar oo horumarintooda looga qayb qaadan lahaa beesha caalamkuna ku taageeri lahayd ay baaqdeen

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sidookale xusey in maantana ay jiraan boqolaal mashaariic oo wax loogu qaban rabo shacabka Gedo sida in wadooyin loo dhiso iyo biya xireeno laakiin nasiib daro mucaaradka maanta qaylinaya aysan jirin wax ay oogu badalayaan shacabka waa sida uu hadalka udhigee hadaba hoos ka dhageyso hadalka Madaxweynaha oo si faahfaahsan oga hadlayo xaalada Gobalka Gedo.