shirka Dib-u-eegista Xogta Caafimaadka Jubbaland oo diirada lagu saaray tobaadkan dib-u-eegista horumarka laga sameeyay nidaamka xogta caafimaadka

0
106
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland Mudane Maxamed Xuseen Maxamed ayaa  magaalada Kismaayo ka daahfuray Shirka Dib-u-eegista Xogta Caafimaadka Jubaland, kaas oo socon doona muddo afar maalmood ah.
Shirkan waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Madaxa Xogta Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiraxmaan Axmed Siyaad, saraakiil ka tirsan Wasaaradda, iyo wakiillo ka socday hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka.
Intii uu socday furitaanka shirka, waxaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka laga sameeyay nidaamka xogta caafimaadka, caqabadaha weli taagan, iyo qorsheyaasha lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta adeegyada caafimaadka ee degmooyinka iyo deegaannada kala duwan ee Jubaland.
Sidoo kale, ka qeybgalayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay helitaanka xog caafimaad oo sax ah, dhammaystiran, isla markaana waqtigeeda ku timaadda, taas oo laf-dhabar u ah qorsheynta, go’aan qaadashada, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.
Shirkan ayaa la filayaa inuu kasoo baxo talooyin iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka xogta caafimaadka, si loo xoojiyo adeegyada caafimaad ee la gaarsiiyo bulshada Jubaland.