Wasaaradda qorsheynta Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay shir Lagu dardargelinayo barnaamijka xalka waara ee deegaannada Jubbaland

0
119
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen kooxda shaqo ee farsamada xalka waara ee deegaanada Jubbaland.
Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, xubno ka tirsan agaasimayaasha wasaaradaha Dowladda Jubbaland, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, agaasime-waaxeedyo ka socday wasaaradaha kala duwan, wakiillo ka socday bulshada ka faa’iideysatay barnaamijyada xalka waara, iyo marti sharaf kale.