Wasiirka Hawlaha Guud ee Jubbaland oo Kormeeray Waddooyinka iyo Biyo-mareennada Mashruuca Nagaad ee Kismaayo

0
113
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwahaab Axmed Cismaan oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud XFS, Mudane Farax Cabdinuur Axmed iyo masuuliyiinta Mashruuca Nagaad, ayaa kormeer ku tagay waddooyinka laamiyada iyo biyo-mareennada magaalada Kismaayo.
Mas’uuliyiinta ayaa u kuur galay heerka uu marayo iyo sida wanaagsan ee uu u hirgalay Mashruuca Nagaad ee dhismaha waddooyinka laamiga ah, iyagoo qiimeyn ku sameeyay tayada shaqada, horumarka la gaaray iyo saameynta ay ku yeelaneyso isku socodka iyo bilicda magaalada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada, si bulshada ay u helaan adeegyo iyo kaabayaal dhaqaale oo tayo leh.