Maayarka magaalada Kismaayo oo deegaano dhaca dhinaca xeebaha Kismaayo ka dhagax dhigay War biyoodyo

0
175

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, ayaa booqasho shaqo ku tagay laba warood oo ku yaalla deegaannada xeebaha ee degmada Kismaayo.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Guddoomiyuhu waxa uu dhagax-dhigay goob laga hirgelin doono barkad biyood loogu talagalay in ay ka cabbaan bulshada iyo xoolaha deegaanka, si loo xoojiyo helitaanka biyaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay mashruucan muhiimka ah ee wax ka tari doona baahida biyaha ee deegaanka.

Barkaddan cusub ayaa biyaha ka heli doonta waraha uu Guddoomiyuhu booqday, taas oo gacan ka geysan doonta xaqiijinta helitaanka biyo ku filan oo ay ka faa’iideystaan dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada xeebaha.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa xusay in maamulka degmada uu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah, gaar ahaan mashaariicda biyaha, kuwaas oo muhiim u ah nolosha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha deegaanka.

Dowladda Jubbaland ayaa sii xoojisay dadaallada lagu gaarsiinayo bulshada adeegyada aasaasiga ah, iyadoo hirgelinaysa mashaariic horumarineed oo taabanaya qaybaha caafimaadka, waxbarashada, biyaha, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.